Barcelona oo shaqo joojin ku dhawaaqday

barka

(Catalonia) 02 Okt 2017. Barcelona ayaa ku dhawaaqday shaqo joojin iyadoona ka dibad baxeysa isla markaana qaadacsan wixii shalay ka dhacay Catalonia iyo ciidankii is hor taagay codkii aftida ahaa oo ay kaga go’ayeen Spain inteeda kale.

Beri oo Talaado ah ma jiri doono wax ciyaaryahan oo soo xaadiraya kooxda isla markaana ma jiraan wax tababar ah haba yaraadaane.

Warbixin ay Barca soo saartay ayay ku sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso shaqo joojin dalka ka jirta berito isla markaana ay xiran tahay Camp Nou.

 Barcelona chief Josep Maria Bartomeu requested the match be called off after the chaos in the city - but La Liga refused

Waxayna intaa ku dareen inaysan jiri doonin wax laacibiin ah kuwa kooxda koowaad iyo kuwa yar yarkaba oo sameynaya wax tababar ah.

Ugu yaraan 92 ruux ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah iyo 844 oo dhaawac fudud ka soo gaaray kaddib booliska Spain oo shalay is hor istaagay aftidii ay Gobalka Catalonia u qaadayeen inay ka go’aan dalka Intiisa kale.

 Protesters cower on the ground in front of police in Barcelona that has prompted the football club to take action

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close