AFTIDA CATALONIA: Garoonka Real Madrid oo xalay lagu soo bandhigay calanka Spain

15068842104835

(Madrid) 02 Oct 2017. Taageereyaasha Real Madrid waxa ay soo buuxyeen gegida Santiago Bernabeu axadii iyaga oo fariintooda ku saabsan aftida muranka dhalisay ee Catalonia ku bixiyey.

 

Kaddib markii ay Barcelona kulan albaabada u xiran yahay Camp Nou kula dheeshay Las Palmas Real-na waxa ay soo dhaweysay mid kale oo Catalonia ka soo jeeda ‘Espanyol.

Banaanka garoonka waxaa lagu qeybinayey kaarar lagu xardhay midabadda calanka Spain waxaana ku qornaa tilmaaan ah in lagu soo bandhigo daqiiqadii 12-aad gegida.

“Dhammaan waxaynu nahay shaqsiga 12-aad oo waxaynu nahay dhammaantayo Spain,” ayey tixdu u dhigneyd.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close