”10 bilood baan nasanayaa horta” – Carlo Ancelotti

(Jerusalem) 02 oKT 2017 – Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay inuu ‘nasan doono 10-ka bilood ee soo aaddan, sidaa darteed uusan qaban doonin kooxo kale’ kaddib Bayern Munich oo cayrisey.

Macallinkan ayaa sida la hadal hayo wuxuu bartilmaameed u yahay kooxaha waawayn ee AC Milan, Chelsea, Roma iyo xitaa xulka Talyaaniga.

“Waan nasan doonaa 10-ka bilood ee soo aaddan, sidaa darteed ma jiraan kooxo,” ayuu Ancelotti warfidiyeenka ugu sheegay magaalada Quddus ama Jerusalem oo uu u yimi ciyaar lacag aruurin ah.

Ancelotti oo ka gaabsaday sababta loo eryay ayaa tababaraya carruur kasoo kala jeeda diima Islaamka, Masiixiga iyo Yuhuudda oo nabadda lagu taageerayo.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close