Serie A: Roma oo Milan ku garaacday San Siro xili casaan laga qaatay martigaliyaasha +SAWIRRO

(Milan) 01 Okt 2017 Roma ayaa San Siro ku dubatay AC.Milan oo ay marti u ahaayeen, Edin Dzeko iyo Alessandro Florenzi ayaa ka caawiyay kooxda caasimada inay guul ka gaarto Milan.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, labada kooxood ayaana isku dayay inay helaan goolka hogaanka ciyaarta.

Labada kooxoodba waxay iska khasaariyeen fursado dhawr ah oo ay ku qaban kareen hogaanka ciyaarta qaybtii hore.

Laakiin waxaa lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad, Roma ayaa cadaadis xoogan saartay daafaca Milan si ay u helaan goolka hogaanka ciyaarta.

72 daqiiq Edin Dzeko ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu daafaca la dhex qaaday kubadd uu ka helay Lorenzo Pellegrini, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1.

77 daqiiqo Alessandro Florenzi ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu goolhaye Donnarumma ka badbaadiyay Nainggolan, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 0-2.

80 daqiiqo garsooraha ayaa casaan u taagay Calhanoglu kadib markii uu si xun u jilaafay Nainggolan oo weerar ku ahaa goolka Milan, wuxuuna ku baxay jaalihiisii labaad oo uu qaatay.

Ciyaarta ayaa ugu danbayntii ku soo idlaatay 0-2 oo ay guushu ku raacday kooxdii martida ee Roma.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close