RASMI: Barcelona oo ogolaatay in la ciyaaro kulanka Las Palmas Taageerayaal la’aan

(Barcelona) 01 Okt 2017 Kooxda Barcelona ayaa ugu danbayntii ogolaatay in la ciyaaro kulanka ay soo dhawaynayaan Las Palmas.

Barcelona ayaa u hogaansantay amarada xiriirka kubadda cagta Spain kuwaas oo ku adkaystay in la ciyaaro kulanka.

War saxaafadeed ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin in la ciyaaro kulanka garoonka oo maran oo aysan joogin tagaeerayaasha.

Qal qal badan ayaa ka jira amaanka magaalada Barcelona kadib isku dhacyo u dhexeeya Booliiska iyo shacabka oo u dagaalamaya inay ka go’aan Spain inteeda kale.

Ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaa ku cadaadiyay kooxda inay aqbalaan ciyaarida kulanka taas oo keentay ugu danbayntii in kooxdu ay ka badbaado ganaax ay mutaysan lahayd haddii ay diidi lahay ciyaarida kulanka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close