Muxuu Pep Guardiola ka yiri guushii ay xalay ka gaareen Chelsea??

guar

(Manchester) 01 Okt 2017. Pep Guardiola ayaa aad ugu farxay guusha ay u qalmeen ay xalay ku soo gaareen gegada Stamford Bridge ee kooxda Chelsea.

“Guushu waa waxa ugu muhiimsan,” Guardiola ayaa kulanka kaddib sidaa yiri.

“Qeybta labaad ee ciyaarta aad ayaan uga fiicnayn sidaa darteed waxaan hambalyo baaxad leh u dirayaa guusha aan gaarnay iyo gaar ahaan qaabka aan u ciyaarnay.

“Shir kasta oo jaraa’id iyo wareysi kasta aad ayaan ugu faraxsanahay De Bruyne. Wuxuu ka ciyaaray halkan waxkastana suuro gal ayuu ka dhigay. Waxaa loo diyaariyay inuu goolal dhaliyo, caawin sameeyo, una dagaalamo sida qofka ugu dhaga nugul.

gu

“Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga maxaa yeelay waxaan ka warqabaa sida uu u faraxsan yahay isaga.

“Waa saddex dhibcood, inaad ku guuleysato saddex dhibcood waa muhiim.

“Wax qabsoomo ma jiraan bisha September sidaa darteed waxaan rajeynayaa inaan gaarno guulo kale oo badan. Kulankan sidoo kale waxaan u hibeynay Benjamin Mendy”.

Daafaca cusub ee Man City Mendy ayaa isagu muddo dheer garoomada uga maqnaan doona dhaawac soo gaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close