EPL: Liverpool iyo Newcastle United oo barbaro ku kala baxay +SAWIRRO

(Newcastle) 01 Okt 2017 Liverpool iyo Newcastle United ayaa ku kala baxay barbaro xili kooxda tababare Klopp ay u baahi qabtay guul si ay u soo tiigsato kaalimaha hore ee horyaalka.

Labada kooxood ayaa ku soo galay ciyaarta qaab lagu dheehay taxadar badan, koox walbana waxay ka baqaysay in iyada looga hormaro goolka.

29 daqiiqo Coutinho ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool kadib kubadd cajiib ahayd oo uu goolka ka soo toogtay banaanka diilinta ganaaxa, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1.

36 daqiiqo Joselu ayaa u soo barbareeyay kooxdiisa Newcastle United kadib markii uu ka faa’idaystay qaladaad ay sameeyeen daafaca Liverpool, wuxuuna ka dhigay natiijada 1-1.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii labaad Liverpool ayaa ku soo gashay si dar dar leh, waxayna isku dayeen inay hogaanka qabtaan markale.

Labada kooxood ayaa isku dayay inay helaan goolka guusha laakiin uma suurogalin, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay barbaro 1-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close