DEG DEG: Barcelona oo dooneysa inay baajiso kulanka iyo ciyaartoydeeda oo ka soo horjeestay

barcaca

(Catalonia) 01 Okt 2017. Barcelona ayaa la warinayaa inay baajisay kulankii ay galabta la yeelan lahayd Las Palmas kaddib qalalaasihii maanta ka dhacay gobolka Catalonia oo doonaya inuu gooni isku taago.

Laakiin ciyaartoyda Barca ayaa la sheegayaa inay doonayaan inay ciyaaraan iyagoona ku sugan qolka dher badelashada halka kooxda martida ah ay ku sugan yihiin garoonka iyagoo is kululeynaya.

Waxaa la fahansan yahay in tababare Ernesto Valverde uu xiddigaha Barcelona siiyay hadalka ka horreeya kulanka isla markaana ay labada kooxood safafkooda Rasmiga ah u gudbiyeen Garsooraha ciyaarta.

23,9,2017 Partido de liga entre el GIRONA FC 17/18 -  FC BARCELONA  17/18. JORNADA 6  En el   Estadio de Montilivi de Girona. JORNADA 6

Madaxwaynaha camaaliqada Spain ee Josep Maria Bartomeu ayaa gudbiyay codsi rasmi ah uu ku dalbayo in kulanka la baajiyo.

Ma jiraan wax ka soo baxay dhanka xiriirka La Liga haddii kulanka uu baaqdana iyadoo uusan xiriirka ogolaan Barcelona ayaa lagu qasbi doonaa inay dhibcaha wareejiso isla markaana looga adkaaday 3-0 si Forfeit ah.

Intaa oo kaliya ma ahan Barcelona ayaa sidoo kale la kulmi karta ganaax looga jarayo 6-dhibcood.

Albaabada garoonka Camp Nou ilaa iminka lama furin iyadoo ay wax yar ka harsan yahay kulanka waxaana intaa dheer in xiriirka kubbada cagta ee Gobalka Catalonia uu ku dhawaaqay in la baajiyay dhammaan kulamada ciyaaraha ee Gobalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close