Carvajal oo garoomada ka maqnaan doona muddo dheer oo aan la cayimin….(Maxaa helay?)

dan

(Madrid) 01 Okt 2017. Daafaca Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa daqiiqad kasta u ciyaaray kooxdiisa ilaa iminka balse wuu nasan doonaa wixii markaan ka dambeeya.

Xiddiga reer Spain ayaa muddo aan la cayimin garoomada ka maqnaan doona kaddib infekshan uu ka qabo Wadanaha darteed.

Marca ayaa warineysa in xanuunka uu qabo Carvajal uu u baahan yahay waqti uu uga soo kabto. Mabda’ ahaana wuxuu garoomada ka maqnaan karaa ugu yaraan bil iyo bar.

Marka laga soo tago kulamada uu seegi doono La Liga laacibka ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kulamada isreeb reebka koobka adduunka uu xulkiisa Spain la yeelan doono Albania iyo Israel.

 Dani Carvajal is out indefinitely with a heart condition

Los Blancos ayaa warbxin ay soo saartay ku sheegay inuu jiro xanuun dhanka wadnaha ah isla markaana la sii wadi doono qiimeynta lagu hayo soo kabsashadiisa.

Arrinkan wuxuu dhibaato iyo jab hor leh ku yahay daafaca kooxda Zidane maadaama ay horey u dhaawacnaayeen daafacyada kale ee garbaha Theo iyo Marcelo.

Nacho ayay suuro gal tahay inuu buuxiyo booska bidix ee Marcelo halka maqnaanshiyaha Carvajal ay albaabada u fureyso Achraf Hakimi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close