Antonio Conte oo muran ka keenay guushii ay xalay ka gaartay Manchester City

contee

(Manchester) 01 Okt 2017. Manchester City ayaa xalay guul ay u qalantay iyo ciyaar ay xukumaneysay ka gaartay Chelsea oo ku ciyaareysay mininkeeda Stamford Bridge oo ay ku martay 1-0.

Kevin de Bruyne ayaa gool caaqibo leh ugu shubay kooxdiisii hore kubbad uu isla isaga ka soo shaqeeyay.

Tababare Antonio Conte ayaa ku mar marsiyooday inay kooxdiisu daalaneyd kaddib ciyaartii adkeyd ay la soo yeesheen Atletico Madrid tartanka Champions League.

conteee

“Wuxuu ahaa kulan adag, laakiin si fiican ayaan uga warqabnay in Man city ay tahay koox wayn wayna adag tahay in la ciyaaro kulan ceynkan oo kale ah,” Conte ayaa sidaa yiri kulanka kaddib.

“Waxaan aaminsanahay inaan bixinay wax kasta waana ku faraxsanahay dhabar adeega iyo rabitaanka dhammaan ciyaartoydeeda. Waxay leeyihiin rabitaanka ay kula dagaalamaan koox kasta oo adag.

“Kulanka ceynkan oo kale ah waxaad u baahan tahay waqti aad ku soo kabato, haddii aad daalan tahay suuro gal ma ahan inaad gaarto gool ka gool.

“Maanta waxaan abuurnay fursado balse kama aynaan faa’iideysan. Manchester City waxay heshay fursado wayna dhalisay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close