Zidane oo ka warbixiyay dhaawaca Gareth Bale ka hor kulanka Espanyol

Image result for Zidane and Bale

(Madrid) 30 Seb 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee Gareth Bale.

Zidane ayaa hoos u dhigay dhaawaca Gareth Bale, wuxuuna sheegay in dhibaato dhanka muruqa oo kaliya ay haysato laacibka reer Wales.

28 jirkaan ayaa seegay tababarkii saaka ee Real Madrid ay isugu diyaarinayso kulanka axada ay soo dhawayn doonto kooxda Espanyol.

“Bale dhibaato dhanka muruqa ah ayaa haysata ma jirto wax intaas ka badan ama ka yar” ayuu yiri tababare Zidane.

“Qayb ayuu ka yahay liiska ciyaartoyda aan u soo xushay ciyaarta laakiin taas lama micno ahan inuu ciyaarayo, wax walba waxay ku xiranyihiin taam ahaanshihiisa”.

“Dhib ma jiro haddii Bale uu qayb ka noqdo shaxda xulkiisa haddii uu taam noqdo, waan la soconaynaa xaaladiisa mana hor istaagi doono inuu u ciyaaro xulkiisa haddii uu diyaar yahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close