Tababarihii hore ee Chelsea Andre Villas Boas oo 8-kulan lagu ganaaxay Sabab YAAB LEH!!!

bos

(Beijing) 30 Sebt 2017. Tababarihii hore ee Chelsea Andre Villas Boas ayaa loo gacan galiyay ganaax 8-kulan ah kaddib markii uu Garsoore ku tilmaamay inuu qaatay Laaluush.

Tababaraha reer Portugal ayaa caro isla celin waayay kaddib markii uu garsoore Shi Szhenlu Rigoore ka diiday kooxda Villas Boas ee Shanghai SIPG kulan ay 1-0 uga adkaadeen Beijing Guoan.

Villas Boas oo tababarayaashiisa kale kula biiray mar ay ku xoomeen garsooraha dhankiisa ayuu faraha ku taagay garsooraha sida qof lacago xisaabinaya isagoo ula jeeda in Garsooruhu qaatay Laaluush.

 Andre Villas Boas has been hit with an eight game ban in China

Xiriirka kubada cagta dalka Shiinaha oo sheekadan ka carooday ayaa ganaax sideed kulan ah dul dhigay macallinkii hore ee Tottenham iyo Chelsea.

Waxay taa la micno tahay in inta ka harsan xilli ciyaareedka horyaalka Shiinaha uusan cag soo dhigi doonin booska ay tababarayaasha ka xukumaan kulanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close