Manchester United oo Afar kale dhiibtay….(Lukaku oo goosha laga celin la’yahay)+SAWIRRO

(Manchester) 30 Sebt 2017. Man United ayaa si ku meel gaar ah kula wareegtay hogaanka Premier League kaddib markii ay 4-0 kaga adkaatay kooxda Crystal Palace oo ilaa iminka hal dhibic xitaa shaqeysan la’ horyaalka xilli ciyaareedka cusub.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0.

Bilowga ciyaarta Juan Mata ayaa shabaqa tagay daqiiqadii 3-aad kaddib caawin uu ka helay Marcus Rashford.

Marouane Fellaini ayaa goolka labaad dhaliyay daqiiqadii 35-aad kaddib markii uu kubbad u soo dhigay Ashley Young.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta daqiiqadii 49-aad Fallaini ayaa markale shabaqa tagay kubbad uu madaxa ku dhaliyay oo uu caawiye ka ahaa Marcus Rashford.

Lukaku oo shabaqa laga celin la’yahay baryahan ayaa goolka afaraad ku soo xiray ciyaarta kaddib markii uu kubbad igu taabo ah ka helay Anthony Martial daqiiqadii 86-aad.

SAWIRRO:

lukaku

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close