Joan Laporta oo ku baaqay in adduunka aan laga hor istaagin daawashada El-Clasico

Image result for Joan Laporta

(Barcelona) 30 Seb 2017 Madaxwaynihii hore ee kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa u digay xiriirka kubadda cagta Spain.

Waxaa la filayaa in cod qaadis loo sameeyo dadka ku nool gobolka Catalonia kuwaas oo doonaya inay ka go’aan Spain inteeda kale.

Image result for El Clasico

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa sheegay in kooxaha reer Catalonia aan loo ogolaan doonin inay ka ciyaaraan horyaalka Spain haddii gobolku uu go’o.

Waxaana meesha ka baxaya in dib loo daawado kulanka ugu xamaasada badan adduunka ee El-Clasico kaas oo sanadkiiba ugu yaraan laba mar la daawado.

“In aan la ciyaarin kulanka Real Madrid iyo Barcelona sanad walba waa wax qaldan waana danbi ay ka shalaayi doonaan xiriirka kubadda cagta Spain iyo xukuumadaba haddii gobolka Catalonia uu ka go’o Spain Barcelona-na laga eryo La Liga” ayuu u sheegay Joan Laporta wargayska AS.

“El-Clasico waa dhacdo kubadda cagta ah oo soo jiidatay dhamaan mujtamaca adduunka” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close