EPL: De Bruyne oo guul muhiim ah farta ka saaray Man City kadib gool uu ka dhaliyay kooxdiisii hore +SAWIRRO

(London) 30 Seb 2017 Manchester City ayaa siiwada guulaheeda horyaalka ingiriiska, waxayna Stamford Bridge ku dubteen Chelsea oo ay marti u ahaayeen kadib ciyaar ku soo idlaatay 0-1.

City ayaa si dardar leh ku soo gashay ciyaarta waxayna ku dadaalayeen inay hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Laakiin daafaca adag ee Chelsea ayaa hor istaagay in Jesus, Silva iyo Sterling ay dhamaystiraan dhawr fursad oo ay heleen.

34 daqiiqo Alvaro Morata ayaa dalbaday in laga saaro ciyaarta kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa dambe ee bowdada lugta bidix, waxaana lagu badalay Willian.

Dhamaadkii qaybtii hore goolhaye Thibaut Courtois ayaa banaanka isaga saaray kubadd uu soo madaxeeyay Fernandinho, qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad City ayaa weerar culus ku qaaday goolka Chelsea laakiin daafaca Blues ayaa is hortaagay in fursadahaas loo badalo gool.

67 daqiiqo De Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu shuud xoogan daba mariyay goolhaye Courtois, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1.

Chelsea ayaa isku dayday inay iska soo gudo goolka laakiin uma suurogalin, dhanka kale Antonio Rudiger ayaa hor istaagay kubadd ku wajahnayd shabaqa oo uu soo laaday Jesus.

Ciyaarta ayaa ugu danbayn ku soo idlaatay 0-1 oo ay guushu ku raacday Manchester City, gushaan ayaa ka dhigan in wali ay hogaanka kula loolamayaan dariskooda Man United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close