”AC Milan waa ka shallaaysay iibsigii Bonucci” – Marino

(Milano) 30 Sebt 2017 – AC Milan “horraanba waa ka shallaayday iibsiga Leonardo Bonucci isagoo sheegay inay u fiicnayd inay lacagtaa ku iibsadaan weeraryahan heer sare ah,” sida uu qabo Pierpaolo Marino.

Maareeyihii hore ee kooxaha Napoli iyo Udinese ayaan la dhacsanayn lacagta ay Rossoneri kusoo iibsadey daafacii hore ee Juve oo ay kusoo iibsatey €43m oo euro.

“Waxay ila tahay in Milan ay durba ka shallaaysan tahay iibsiga Bonucci,” ayuu Marino u sheegay Rai Sport.

“Vincenzo Montella ma doonaynin inuu shaxdiisa u beddelo 3 daafac ah, balse khasab bay ku noqotay markii uu yimid Bonucci, balse taa lafteedu kuma filla.” ayuu raacshey.

“Waxay ila tahay in haddii dib loo celin karo waqtiga ay Massimiliano Mirabelli iyo Marco Fassone ay lacagta Bonucci kusoo iibsan lahaayeen weeraryahan wayn.” ayuu ku dooday.

Laacibkan caalamiga ah ee Bonucci ayay kooxda Rossoneri ku sharaftay mushahar badan iyo kabtannimada kooxda, balse ilaa haatan wuu la qabsan la’ yahay kooxda, isagoo khalad wayn galay kulankii Khamiista ay 3-2 uga badiyeen Rijeka koobka EL.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close