“Xaaskeyga waxay rabtay inay Guriga iga ceyriso.”. Alvaro Morata

zxxx

(London) 29 Sebt 2017. Alvaro Morata ayaa ka sheekeeyay wixii kala qabsaday isaga iyo xaaskiisa bilowga markii uu ku soo biiray Chelsea.

Dhaliyaha reer Spain ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisa ay guriga ka ceyrin gaartay kaddib rigooradii uu khasaariyay koobkii Community Shield ay Arsenal ka qaaday.

“Hagaag, dhabtii si fiican ma dareemeyn kaddib markii aan rigoorada khasaariyay kulankii Arsenal [Community Shield]. Morata ayaa sidaa yiri.

“Xaaskeyga waxay doontay inay guriga iga saarto.

 Alvaro Morata has admitted his penalty miss against Arsenal saw his wife almost kick him out the house

“Laakiin ugu dambeyn waxaad u baahan tahay inaadan gil gilan oo aad awood yeelato.

“Xaalkeenu waa Okey iminka taasina waa tan ugu muhiimsan

“Wax kasta waa ay fiican yihiin waqti xaadirkan, waa muhiim inaan ku soo guuleysanay kulankeena Champions League iminkana waxaan leenahay kulan muhiim ah Premier League.”.

Morata ayaa cagihiisa ku istaagay wixii ka dambeeyay Rigooradii uu khasaariyay iyo canaantii uu kala kulmay xaaskiisa wuxuuna dhaliyay 6-gool 5-tii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka mid tahay Saddexleey uu ka dhaliyay kooxda Stoke City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close