Serigo Aguero oo ka hadlay Shilkii uu galay isagoo ISBITAL ku jira

serg

(Amsterdam) 29 Sebt 2017. Sergio Aguero ayaa khamiistii shil halis ah ku galay dalka Holland gaar ahaan magaalada Amsterdam mar uu halkaa u tagay si uu u soo dhaawado Riwaayad uu jilayay heesaa u dhashay dalka Colombia.

Xiddiga reer Argentina ayaa intii uu u soo socday garoonka diyaaradaha si uu dib ugu soo laabto Ingiriiska ayaa waxaa shil la galay baabuurkii uu saarnaa taa oo ka soo gaaray dhaawac.

Aguero ayaa iminka ka soo hadlay Isbitalka kana sheekeeyay sidii ay wax ugu dhaceen.

 The ugly scene was in Amsterdam where Sergio Aguero was hurt

“Wadaha Taxi-ga ma uusan arkeyn godka wuuna taraaraxay, markii uu taraaraxayna wuxuu ku dhacay tabeelaha.

“Waxaa iga jabay Feeraha, iminkana waan nasnayaa, si xun ayay ii xanuujisay. Wax yar kaddib ayaa la iga soo saari doonaa Ibsitalka.

Sergio Aguero ayaa seegi doona kulanka berito ay Man City la yeelan doonto Chelsea horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close