Sababta Carlo Ancelotti looga ceyriyay Bayern Munich oo daaha laga rogay

carlo

(Munich) 29 Sebt 2017. Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich Uli Hoeness ayaa shaaca ka qaaday sababta keentay inay xilka ka xayuubiyaan tababare Carlo Ancelotti.

5- ciyaartooy oo caan ah oo uu Cadow ka dhigtay macallinka reer Talyaani ayaa xilkiisa u baas baxay.

“Wuxuu lahaa 5-ciyaaryahan oo ka soo hor jeeda isaga taasina waaa xaalad aan macquul ahayn,” Hoeness ayaa sidaa u sheegay Funke Sport.

“Tababare ahaan, cadow kama dhigan kartid inta ugu badan ciyaartoyda kugu caansan, nolosheyda waxaan wax ka bartay oraahda leh ‘Cadowga guriga kugula nool waa kan ugu halista badan’. Sababtaas darteed waxaan ku qasbanaanay inaan is badelo sameyno.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close