Manchester City oo Warbixin ka soo saartay dhaawaca Aguero ka soo gaaray Shilkii uu galay

asss

(Manchester) 29 Sebt 2017. Man City ayaa warbixin ka soo saartay shilkii uu ku dhacay Aguero mar uu joogay dalka Holland.

Dhaliyaha reer Argentina ayaa soo daawanayay riwaayad uu qabanayay heesaa reer Colombia ah waxaana ku dhacay shil intii uu Baabuur u soo saarnaa garoonka diyaaradaha si uu dib ugu soo laabto England.

Waxaa suuro gal ah inuu gaaray jab feeraha ah iyo waliba dhaawacyo kale.

Warbixinta ay Man City soo saartay ayaa u dhaceysa sidan:

“Dhakhaatiirta kooxda ayaa maanta qiimeyn doonta xaalada Sergio Aguero kaddib markii uu ku lug lahaa shil wadada ka dhacay khamiistii.

“Dhaliyaha Man City ayaa maalinkiisa fasaxa ku sugnaa Holland waxaana soo gaaray dhaawacyo.

“Subaxan ayuu dib ugu soo laaban doonaa Manchester waana la hubin doonaa xaaladiisa ka hor kulanka berito ee Premier League Chelsea.

“Mancity.com ayaa idin soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee Aguero marka aan helno aqbaar badan.”.

Warar horudhac ayaa tibaaxaya in laacibku uu garoomada ka maqnaan karo ilaa muddo labo bilood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close