Wenger oo isha ku haaya Anthony Martial

Image result for martial Wenger

(London) 27 Seb 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa indhaha ku haaya saxiixa weerar yahanka reer France ee Anthony Martial.

Arsenal ayaa ka faa’idaysanaysa dhibaatada ka haysata Martial kooxdiisa Man United oo uusan boos joogto ah ka haysan.

Tababare Jose Mourinho ayaa hor istaagay in Anthony Martial uu ka tago United suuqii xaggaaga markaas oo Tottenham iyo Inter ay doonayeen saxiixiisa.

Wuxuuna sheegay in Martial uu qayb ka yahay qorshihiisa xiliciyaareed kaan cusub, wuxuuna cadeeyay inuu muhiim u yahay kooxdiisa.

Arsenal ayaa si cad u sheegtay inay qayb ka tahay loolanka saxiixiisa haddii Martial uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxdiisa Man United sida ay baahisay Gambling Times.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close