“Marnaba ma dhihin kuma faraxsani Real Madrid” – Ronaldo

(Madrid) 27 Seb 2017 Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Xiligii lagu guda jiray fasixii xaggaaga ayaa la baahiyay in Ronaldo uusan ku faraxsanayn Real Madrid kadib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday canshuur.

Laakiin laacibka reer Portugal ayaa sheegay in marnaba afkiisa aan laga maqlin inuusan ku faraxsanayn Real Madrid, wuxuuna intaa ku daray in dadku ay iska jecelyihiin inay isaga ka hadlaan.

“Maalin walba waxaad arkaysaa dad badan oo ka hadlaya Ronaldo laakiin marnaba ma dhihin kuma faraxsani Real Madrid” ayuu yiri Cristiano.

“Aniga ayeey iga hadlayaan (saxaafada) dal walba oo aduunka ah, wax walba oo quseeya Ronaldo waxay isku badalayaan war wayn”.

“Marnaba ma dhihin kuma faraxsani Real Madrid, haddii aan ka jawaabo war walba noloshayda oo dhan waxaa qaadanaya saxaafada”.

“Marka aad tahay laacib wayn waxaa lagaa samaynayaa warar been ah, maanta waa Spain Barri waa Portugal kadibna waa Jarmalka sidaas ayeeyna ku soconaysaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close