Alexandre Lacazette oo qarka u saaran inuu soo barbareeyo Cristiano Ronaldo

la

(London) 26 Seb 2017 Weerar yahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa qarka u saaran inuu soo barbareeyo Cristiano Ronaldo.

Alexandre Lacazette ayaa xalay laba gool u dhaliyay kooxdiisa Arsenal kulan ay ka hortageen kooxda West Brom.

Image result for Lacazette vs West Brom

Laacibka reer France ayaa rigoore u dhaliyay Arsenal taas oo ahayd tii 21 ee uu dhaliyo tan iyo xiliciyaareedkii 2014-2015.

Wuxuuna noqonayaa laacibka labaad ee ugu rigoore dhaliska badan 5-ta horyaal ee ugu wayn qaarada yurub tan iyo waqtigaas, waxaana ka horeeya oo kaliya Cristiano Ronaldo oo dhaliyay 22 rigoore.

Alexandre Lacazette ayaana qarka u saaran inuu soo barbareeyo rikoorka uu uga horeeyo Ronaldo oo haatan ah kaliya hal rigoore.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close