“Ma Lionel Messi ayaad isku mooday.”. Cavani ayaa bilaabay dagaalka kala dhexeeya Neymar

messis

(Paris) 26 Sebt 2017. Rigoore iyo Bulusiyoon la isku qabsado sheekada way ka horreysay oo dagaalka Neymar iyo Cavani wuxuuba soo bilowday maalinkii ugu horreeyay uu xiddiga reer Brazil ku soo biiray qolka dher badelashada PSG.

Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa soo jeedinaya in hadalkii ugu horreeyay uu dhaliyaha reer Uruguay ku yiri laacibka ugu qaalisan kubbada cagta uu ahaa. “Ma Messi ayaad isku mooday!.”.

Waxaa la wada ogsoon yahay in Neymar uu uga soo tagay Barcelona oo uu guulal iyo koobab ku heystay inuu noqdo NO.1 laacibka ka taliya kooxda maadaama uu Camp Nou Kaabe ka ahaa Messi.

messi

Yeelkeede, waxay durba is qabteen Cavani iyadoo si cad loo arkayay is qab qabsigooda kulankii ay 2-0 uga adkaadeen naadiga Lyon usbuucii la soo dhaafay.

Ciyaarta oo mareysa 1-0, labada laacib ayaa isku qabsaday rigoore kooxda loo dhigay,  Cavani ayaana ku guuleystay dagaalka isagoona tuuray rigoorada isla markaana khasaariyay.

 Cavani had an on-pitch falling out with Neymar over a penalty last week

Dani Alves ayaa xaalada sii dhabjiyay oo sii kiciyay kaddib markii Bulusiyoon yaalay inta ka qaaday Cavani u dhiibay xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Neymar.

Laakiin iminka waxaa soo baxaya warar sheegaya in Cavani uu maalinkii ugu horreeyayba kiciyay dagaal.

Maalinkii ugu horreeyay uu xiddiga reer Brazil soo galo qolka dher badelashada PSG, Cavani ayaa ku yiri hadalo si aad ah u gubay:

“Waa kuma midkanna? Ma waxaad isku mooday inaad tahay Lionel Messi.?

 Neymar famously left Barcelona in order to step out of Lionel Messi's shadow

Haddii uu Cavani kaftan ka waday hadalkaa iyo haddii kalaba waxay u badan tahay inay ka careysiisay Neymar.

Wixii markaa ka dambeeyay labada laacib ayaa ku dagaalamayay inay caddeeyaan keenee laacibsan iyadoo uu Neymar Istagram-kiisa ka saaray xiddiga reer Uruguay.

Sheekada ugu dambeysay ayaa waxay tahay in Cavani uu soo xaadiri waayay xaflada dhalashada uu dhigtay daafaca PSG ee Thiago Silva.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close