RASMI: Suso oo qandaraaska u kordhiyay AC Milan iyo Cuttrone oo mushaarka loo kordhiyay + Sawirro & Muuqaal

(Milano) 25 Sebt 2017 – Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in la kordhiyay qandaraaska laacibka garab-weerarka ah ee Suso kaasoo saxiixay qandaraas soconaya ilaa iyo 2022.

Laacibkan caalamiga ah ee Spanish-ka ah ayaa maanta in badan ku sugnaa Casa Milan si loo turxaan bixiyo heshiiska isagoo uu wehliyo wakiilkiisu, haatanna si rasmi ah ayaa loogu dhawaaqay.

“AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo inay qandaraaska u kordhisey laacib Suso kaasoo la gaarsiiyay ilaa iyo 30-ka Juun 2022,” ayuu u dhignaa war lasoo dhigay webka Rossoneri.

Dhanka kale, AC Milan ayaa ku dhawaaqday in ay mushaarka u kordhisey muluqa Patrick Cutrone oo 19 jir ah, waloow aan la kordhinin qandaraaskiisa oo dhacaya 2021.

j j2 j3 j4 j5 j7

j

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close