”Horta ma jiraan macallimiin Ingiriis ah oo jooga the Premier League” – Antonio Conte oo ku dhega hadlay macallimiinta Ingiriiska

(London) 25 Sebt 2017 – Macallinka kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa u qanjiiriyay macallimiinta Ingiriiska mar uu la hadlayay Radio Anch’io Sport, ayaa Conte wax laga waydiiyay horumarka macallimiinta Talyaaniga ee Yurub.

“Miyaan ka wanaagsan nahay garsoorayaasha Ingiriiska? Sida muuqata maba jiraan macallimiin Ingiriis ah oo jooga the Premier League.” ayuu iskugu jawaabey Conte.

Conte, 48 jir, ayaa u hordeeday kooxda Juventus inay hanato 3 horyaal oo Serie A ah isagoo sidoo kale xulka Talyaaniga rubuc-dhamaadka usoo saaray 2016, halkaasoo ay Jarmanku rigoore ku reebeen Azzurri.

Conte ayaa sidoo kale sanadkiisii 1-aad horyaalka EPL la qaaday kooxda Chelsea.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close