FIFA oo Siminaar Muqdisho ugu furtay garsoorayaal Soomaaliyeed +SAWIRRO

 

(Muqdisho ) 25 Sebt 2017.Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Siminaar heerkiisu sareeyo kaasoo sare loogu qaadayo tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Siminaarkaan ayaa waxaa bixinaya barayaal ka socodo FIFA oo kala ah MR Felix oo ka yimid  Zimbabwi iyo Mbacke Mademba ka socda Senegal.

Masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo uu hoggaaminayo C/qani Saciid Carab, Wasiirka Wasaaradda dhalinyarda iyo  Isboortiga Marwo Khadiijo  iyo marti sharaf kale ayaa ku sugneyd halka  Siminaarka uu ka furmayay.

Waxaa goobta laga jeediyay qudbado kala duwan oo lagu dhiiro gelinayo garsoorayaasha da’da yar ee loo qabtay Siminaarka FIFA MA Course kaasoo ka furmay muqdisho

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta  Soomaaliya C/qani Saciid Carab oo goobta ka hadlay ayaa yiri” waxaan  u mahad celinayaa  madaxweynayaasheena Infantino  iyo Ahmed Ahmed, si la mid ah barayaasha FIFA ee bixinaya aqoon kororsiga, sidoo kale waxaan  mahad gaar ah u soo jeedinayaa Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga oo dadaal ku bixisay in macallimiin Ajinabi ah loo ogolaado in dalka ay soo galaan waxne ay baraan garsoorayaasheena .

Geesta kale Mbacke Mademba oo ah macallin ka socda FIFA  ayaa yiri “ Waan salaamayaa Marwada Wasiirka ciyaaraha ah, Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, xubnaha golaha fulinta waxaan farriin idinkaga sidaa Madaxweynaha Fifa Infantino, iyo Madaxweyne Ahmed Ahmed hoggamiyaha CAF waxa ay qirsan yihiin shaqada muuqata ee ka socota Soomaaliya.

“Waxaan halkan u joognaa in aan Kooras u furno garsooreyaasha dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed, farxad ayey ii tahay aniga in aan fursaddaan helo, aan halkan ku joogo waxaan idin sheegi karaa in aan aad ugu faraxsanahay in aan halkan joogo.

Ugu dambeyn Wasiirka wasaarada dhalinyarda iyo  Isboortiga Marwo Khadiijo   oo furtay Siminaarka soconaya afarta maalin ayaa tiri” Cidna caad kama saarna wax qabadka xiriirka kubadda cagta, waa xiriir indho u ah Soomaaliya waan ku amaanayaa shaqadooda qurxoon.

Sikastaba  Waa markii afaraad  oo Siminaar nuucaan ah lagu qabto Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadaneysa  30 garsoore oo isugu jiro  heer caalami, heerka koowaad,labaad iyo Saddexaad.

 

IMG_8115 IMG_8122 IMG_8124 IMG_8127 IMG_8129 IMG_8132 IMG_8135 IMG_8139 IMG_8147 IMG_8155 IMG_8160 IMG_8162 IMG_8175 IMG_8178 IMG_8180 IMG_8182 IMG_8185 IMG_8187 IMG_8191 IMG_8191 IMG_8208 IMG_8219 IMG_8221 IMG_8224 IMG_8226 IMG_8249 IMG_8255 IMG_8261 IMG_8266 IMG_8273 IMG_8278 IMG_8282 IMG_8286 IMG_8293 IMG_8295 IMG_8299 IMG_8301 IMG_8311 IMG_8316 IMG_8319

W/D:Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close