“Adigaa ka fiican Harry Kane.”. Morata oo la dhacay HEESTA Cusub ay u sameeyeen taageerayaasha Chelsea

ad

(London) 25 Sebt 2017. Alvaro Morata ayaa taageerayaasha Chelsea uga mahad celiyay Heesta cusub oo ay u sameeyeen.

24-jirka ayaa taageerayaasha Blues ka codsaday inay badelaan hees ay hore ugu qaadeen taas oo meel u dhac ku ah dadka Yahuuda Ah.

Chelsea ayaana sheegtay inay ganaax ebid ah saari doonto ciddi lagu arko iyadoo mar dambe qaadeysa heystaas cusuriyada ah.

12

Yeelkeede, Morata ayaa ku farxay oo la dhacay heesta cusub ay u sameeyeen taageerayaasha ciyaartii uu saddexleyda ka dhaliyay Stoke City oo u dhaceysa sidan:

“Alvaro, Alvaro, wuxuu ka yimid dhul qoraxeedka Spain, isaga ayaa ka fiican Harry Kane.”.

Dhaliyaha reer Spain ayaa fariinta ugu soo mahad celiyay Taageerayaasha:

alv

“Aad ayaad ugu mahadsan tihiin heesta cusub!!! Adinkaa ugu fiican #GOBLUES #CFC.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close