SAWIRRO: Diego Costa oo u soo duulaya Spain si uu tijaabada caafimaad ugu maro….

(Aracaju) 22 Sebt 2017. Waxaa la soo sawiray dhilayaha Chelsea Diego Costa oo ka soo duulaya garoon ku yaala Aracaju ee dalka Brazil isagoona ku soo jeeda Spain si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.
Chelsea iyo Atletico Madrid ayaa shalay isku af gartay lacago dhan 57 milyan oo bound.
Costa ayaan u safan Blues xilli ciyaareedkan oo idil xitaa cag ma soo dhigin England kaddib warqadii uu Conte u diray ee ahayd inuusan ku jirin qorshihiisa.
Sikastaba, laacibka ayaa iminka la soo sawiray isagoo ka soo duulaya garoon diyaaredeed oo ku yaala Aracaju, waxaana la sheegay inuu ku soo wajahan yahay Spain si uu tijaabada caafimaad ugu maro Atletico Madrid.
SAWIRRO:
Gool FM.