RASMI: Benzema oo qalinka ku duugay heshiis cusub

(Madrid) 22 Seb 2017 Real Madrid ayaa shaacisay in Karim Benzema uu qalinka ku duugay heshiis cusub, wuxuuna noqday laacibkii 3-aad ee Real ay ka saxiixdo heshiis cusub kadib Marcelo iyo Isco.

Qandaraaska Benzema uu kula jiro Real ayaa dhacayay 2019 laakiin wuxuu saxiixay heshiis laba sano ah oo ka dhigaya inuu sii joogayo kooxda ilaa 2021.

Kooxda ayaana ku dartay heshiis kordhintiisa qodob qoraya in lagu burburin karo 1 Bilyan oo euro, heshiiskiisa ayaana dhacaya isaga oo ah 33 jir.

Benzema ayaa sheegay inuu doonayo inuu kubadda uga fariisto kooxdiisa Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan sii joogo halkaan, waxaan horay u iri way adagtahay inaad sii joogto halkaan, marwalba waxay doonayaan dhanka fiican iyo inaad soo bandhigto wax walba oo karaankaaga ah”.

“Waxaan doonayaa inaan kubadda uga fariisto Real Madrid waayo ma jiro koox iyada la mid ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close