Man United oo isha ku haysa Kieran Tierney (Dhowr kulan oo ay daawanaysay)

(Galascow) 22 Sebt 2017 – Kooxda Manchester United ayaa cagta cagta u saaraysa daafaca kooxda Celtic ee Kieran Tierney.

The Sun ayaa saaka qoraya in saraakiil ka socota United ay u kuurgalayaan dadabkan bidix ee Celtic ee Tierney kulankii ay ka badiyeen kooxda Dundee, sida uu warku sheegayo.

Khabiirka ciyaareed ee BBC ee Alan Stubbs ayaa sheegay in fadhiyada garoonka uu saarnaa mid ka mid saraakiisha wax u ilaaleeya kooxda United, kulankaasoo ay 4-0 ku badisay Celtic.

Waxay sidoo kale United daawanaysay kulankii Celts 5-0 ay ku dardartay kooxda Paris Saint-Germain, Tierney oo u safta xulka Scotland isla markaana 20 jir ah ayaa waxaa sidoo kale raadinaya kooxo badan oo Premier League ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close