Kooxda Juventus oo faa’iido ku dhawaaqday

(Torino) 22 Sebt 2017 – Kooxda Juventus ayaa jebisey rikoodhkii faa’iido ee sanad-ciyaareedkii tegey ee 2016-17, iyadoo heshay adduun €200m ka badan sanadkii hore.

Buug xisaabeedka Juve ee fasal-dhaqaalihii 16-17 ayaa muujinaya inay Juve heshay lacag guud ahaan dhan €562.7m iyadoo ay €42.6m oo euro ay tahay faa’iido saafi ah – taasoo ka badan €387.9m iyo €4.1m oo faa’iido ah oo ay heshay sanadkii hore ee 15-16.

Juve ayaa sanadkii tegey hanatay horyaalka iyo Coppa Italia, balse halka ay faa’iidada ugu badani kasoo xarootay waa tartanka Champions League oo ay ilaa dhamaadkii gaartey xagaagii hore.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close