Guardiola oo hoos u dhigay Halista dhaawaca Ilkay Gundogan

(Manchester) 21 Seb 2017 Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawicii xalay soo gaaray laacibkiisa Ilkay Gundogan.

Guardiola ayaa sheegay in dhibaato yar ay ka haysato dhanka jilibka laacibkiisa Ilkay Gundogan kaas oo markale uu soo gaaray dhaawac.

skysports-premier-league-football-pep-guardiola-manchester-city_3815131

Wuxuuna intaa ku daray in dhaawacaan cusub uusan la mid ahayn kii hore kaas oo uu la maqnaa mudo dhan 9-bilood.

“Wuxuu isaga u ahaa wax adag, laakiin waxaan rumaysanahay inuu fiicanyahay, dhibaato yar ayaa ka haysata dhanka jilibka” ayuu yiri tababare Pep Guardiola.

“Dhaawacaan lama mid ahan kii hore, uma malaynayo inuu yahay dhaawac halis ah” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close