CEEBEEY TACAAL: Real Madrid iyo Lionel Messi waa isku goolal

21903649_10214218642118247_537850953_n

(Spain) 21 Sebt 2017. Real Madrid oo ku ciyaareysa gagadeeda Bernabeu ayaa guul darro lama filaan ah kala kulantay Real Betis oo ka dhalisay gool madi ah oo soo daahay xilli ay Los Blancos ku qubeysteen goolal fara badan.

Waxaa taas uga sii fool xun in Real Madrid ay horyaalka La Liga ka dhalisay 9-gool 5-tii kulan ay ciyaartay halka Lionel Messi kaligii uu leeyahay 9-gool.

Kooxda Zidane ayaa dhaliysay min 3-gool ay uga adkaadeen Deportivo La Coruna iyo Real Sociedad, labo ay ka dhaliyeen Velanice iyo mid ay ka dhaliyeen Levante.

Halka Barcelona ay dhalisay 17 gool kaddib markii ay 6-gool ku xaaqday Eiber talaadadii iyadoo uu Messi yahay gool dhaliyaha ugu sarreeya horyaalka La Liga ilaa iminka 9-gool.

Kabtanka xulka Argentina ayaa afar gool dhaliyay kulankiisii ugu dambeeyay, sidoo kale wuxuu saddexleey ka xareeyay Espanyol halka uu 2-gool ka dhaliyay Alaves.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close