Zidane oo xaqiijiyay in isaga iyo Real Madrid ay wada gaareen heshiis

(Madrid) 19 Seb 2017 Tababare Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay inuu heshiis la gaaray kooxdiisa Real Madrid ka hor kulanka Real Betis.

Zidane ayaa sheegay in arinka heshiis kordhinta ee u dhexeeya isaga iyo kooxdiisa haatan uu yahay mid la dhameeyay.

Wuxuuna intaa ku daray in goor dhaw uu qalinka ku duugi doono heshiis dhacaya ilaa 2020.

“Waa arin wanaagsan, si dhab ah ayaa loogu heshiiyay arinka heshiis kordhinta, laakiin taasi waxba ma ahan” ayuu yiri tababare Zidane.

Tababaraha reer France ayaa sheegay inuu xooga saarayo kaliya sidii uu guul ugu hogaamin lahaa kooxdiisa kulanka habeen dambe ee Real Betis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close