Ousmane Dembele oo maray qaliin lagu guulaystay (Imisa ayuu maqnaanayaa)

Dembele 1

(Barcelona) 19 Seb 2017 Barcelona ayaa shaacisay in Ousmane Dembele lagu sameeyay qaliin lagu guulaystay kadib dhaawicii soo gaaray.

Ousmane Dembele ayuu dhaawac ka soo gaaray kulan horaantii isbuucaan ay kooxdiisa Barcelona la ciyaartay Getafe.

Dembele 2

Laacibka reer France ayaa qaliinka ku maray maanta dalka Finland, wuxuuna maqnaanayaa seddex bil iyo bar sida ay baahisay Barcelona.

20 jirkaan ayaa hal maalin oo kaliya ku sugnaanaya isbitaalka, waxaana la filayaa in barri oo arbaco ah uu dib ugu soo laabto Barcelona.

Ousmane Dembele oo ah laacibka ugu qaalisan taariikhda Barcelona ayaa u saftay kaliya 3-kulan tan iyo markii uu ku soo biiray dhamaadka bishii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close