Manuel Neuer oo ka maqnaanaya garoomada ilaa sanadka cusub ee 2018

(Munich) 19 Seb 2017 Bayern Munich ayaa si rasmi ah u shaacisay in goolhaye Manuel Neuer lagu sameeyay qaliin.

Goolhayaha ayaana garoomada ka maqnaanaya ilaa janaayo 2018 kadib markii maanta lagu sameeyay qaliin lagu guulaystay.

Manuel Neuer ayaa ka jabay lugta bidix oo uu horay dhaawac uga soo gaaray, kooxda ayaana go’aansatay in lagu sameeyo qaliin.

“Dhaawac kale ayaa soo gaaray Manuel Neuer, anaguna aad ayaan uga xunahay taas, qaliinka waa lagu guulaystay taas ayaana muhiim ah haatan” ayuu yiri gudoomiyaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge.

“Haatan waxaan diirada saaraynaa mustaqbalka, Manuel Neuer markale ayuu noo soo laaban doonaa bisha janaayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close