Franck Ribery oo iska diiday dalab qaali ah suuqii xaggaaga

Image result for ribery 2017

(Munich) 19 Seb 2017 Franck Ribery ayaa iska diiday dalab waali ah oo uga yimid dhanka horyaalka shiinaha sida ay daabacday AZ.

Wargayska reer Jarmal ayaa baahiyay in Franck Ribery uu helay dalab uu sanadkii ku qaadanayo mushaar dhan 40 milyan oo euro oo uga yimid horyaalka shiinaha.

Image result for ribery 2017

Laakiin 34 jirka reer France ayaa iska diiday dalabkaas si uu u sii joogo kooxdiisa Bayern Munich.

“Sanadihii yaraa ee la soo dhaafay xoogaa dalabyo ah ayaa iga soo gaaray Shiinaha, laakiin waxaan raaxo ku dareemayaa Munich waxaanan doonayaa inaan sii joogo” ayuu yiri Franck Ribery.

“Uma ciyaaro kubadda cagta lacag darteed ee waxaan u ciyaaraa inaan ku raaxaysto”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close