Baraha bulshada oo aad loogu qaadaa dhigayo shilkii Neymar-Cavani (Arag sawirrada & qoraallada)

(Paris) 19 Sebt 2017 – Qolka lebiska ee Paris Saint Germain ayaa budo noqday iyadoo uu burburay xiriirka laacibiin aasaasi u ah kooxda PSG sida maanta ku dhigan L’Equipe, kaddib markii ay si foolxumo wayni ka muuqato ay iskugu dheceen Cavani iyo Neymar.

Labada laacib ayaa isku haystey kii laadi lahaa rigoore kooxdooda loo dhigay, waxaase ka darrayd inuu hiillo muujiyay Dani Alves taasoo aan ku fiicnayn laacib wayn oo xirfadle iyo waaya arag ah sida isagoo kale.

Haddaba, baraha bulshada ayaa si wayn loogu qaad qaaday arrintan, iyadoo ay dad badani xuseen inuusan xaalku sidan ahaadeen haddii uu Neymar weli joogo Barca oo mar kasta rigooraha loo daysan lahaa Messi, iyadoo waloow ay dad badani qabaan in waloow uu Neymar xaq u lahaa inuu ka hoos boxo xukunka iyo dowladda yar ee Messi ay misna waajib tahay inuu u dhaqmo si xirfadlenimo ah.

b b B1 B2 B3 B5 B6 B7 B8 B9 B11

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close