Ancelotti oo ka hadlay dhaawaca goolhaye Manuel Neuer

(Munich) 19 Seb 2017 Tababare Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay dhaawaca goolhaye Manuel Neuer kaas oo ku dhaawacmay tababarkii shalay.
Ancelotti ayaa sheegay in Manuel Neuer la marsiin doono baaritaano dheeri ah maanta si looga qaato go’aan kama danbays ah.
Wuxuuna intaa ku daray inay suurogal tahay in goolhayuhu uu u baahdo qaliin maadama uu ka dhaawacmay isla goobtii uu horay dhaawucu uga soo gaaray.
“Baaritaan dheeri ah ayaa lagu samaynayaa Manuel Neuer maanta, waxaana laga qaadan doonaa go’aan kama danbays ah, sidaas oo ay tahay waxaa loo badinayaa in lagu sameeyo qaliin” ayuu yiri Ancelotti.
“Ma awoodo inaan intaas ka badan ka dhaho arinkaas, ma garanayo goorta uu dib ugu soo laabanayo garoomada”.
Gool FM