Manuel Neuer oo muddo bilooyin ah garoomada ka maqnaan kara

(Munich) 18 Seb 2017 Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa war naxdin leh kadib markii saaka uu dhaawac uga baxay tababarka kooxda goolhaye Manuel Neuer.

Bild ayaa daaha ka qaaday in Manuel Neuer uu garoomada ka maqnaan karo muddo bilooyin ah maadama uu dhaawac ka soo gaaray isla halkii uu bilooyin ka hor ka dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegaya in goolhaye Manuel Neuer uu u baahanyahay qaliin dag dag si uu uga soo kabsado dhaawacaan cusub ee soo gaaray oo loo malaynayo inuu yahay jab.

3-isbuuc ka hor ayuu ka soo caafimaaday dhaawicii hore, isla goobtii hore ayuuna markale ka dhaawacmay, warkaan ayaa murugo u ah tababare Ancelotti.

Bayern Munich ayaa habeen dambe u martin doonta kooxda Schalke04 kulan ka tirsan horyaalka jarmalka ee Bundesliga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close