Kullamo ka tirsan koobka Jeneraal Daa’uud oo galabta la ciyaari doono

koonis-2

(Muqdisho ) 18 Sebt 2017.Koobka Janeraal Daa’uud ayaa furmay  Jimcihii aynu soo dhaafnay,  iyadoo lagu ciyaarayo garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ee ku yaala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Koobka Jeneral Daa’uud, waxaa uu ka mid yahay tartamada sanadlayaasha ah ee uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, waxaana loogu tala galay in lagu xusuusto Aabihii Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi, oo ahaa aas aasihii xooga dalka Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Jeneral Daa’uud waxaa uu geeriyooday sanadkii 1965-kii, hase ahaatee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu soo bilaabay qabashada tartanka Jeneral Daa’uud sanadku markuu ahaa 1972-kii.

Kullamo xiiso badan ayaa galabta dhici doono waxaana is arkaya afar kooxood oo u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Garoonka Koonis waxaa ku wada ciyaari doono kooxaha  Waxool iyo Saxafi,halka Jaamacadaha ay isku arki doonaan Savaana iyo Elman.

Kullamada la ciyaarayo ayaa  ka tirsan guruubka B, waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close