“David Luiz wuxuu aaminsan yahay in qalad lagu galay isaga ka hor KAARKA CAS.”.

dav

(London) 18 Sebt 2017. David Luiz ayaa kaarka cas loo taagay kulankii shalay ka dhacay Stamford Bridge ay Chelsea iyo Arsenal isla dhaafi waayeen bar baro goolal la’aan ah kaddib markii uu taago halis ah saaray Sead Kolasinac.

Waa Roosihii saddexaad ay Chelsea qaadaneyso xilli ciyaareedkan cusub iyadoo ay jirto inay ilaa iminka ciyaartay uun 7-kulan oo qura oo waxaa horey kaararka Cas u qaatay Cahil iyo Pedro.

Sidoo kale waxay ka dhigan tahay in Blues ay 10 laacib ku ciyaareyso kulankii saddexaad oo xiriir ah ay ku wajaheyso Gunners.

Related image

Daafaca reer Brazil ayaana aaminsan in Garsoore Michael Oliver ay ahayd inuu isaga qalad u dhigo ka hor inta uusan garoonka ka saarin.

“Si sax ah uma arkin kaarka cas laakiin David Luiz wuxuu aaminsan yahay in isaga qalad lagu galay intii aan kaarka casba loo taagin.” Kabtan Cahill oo ka hadlaya dhacdada ayaa sidaa yiri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close