”Bonocci Juve ugama soo tegin Allegri dartii” – Xaaska Bonucci oo waxyaabo badan daboolka ka qaadday!

(Milano) 18 Sebt 2017 – Xaaska Leonardo Bonucci ee Martina ayaa ku adkaysanaysa in aanu Bonucci Juventus uga tegin “muran dhex maray isaga iyo Max Allegri” iyadoo qiratay inay la yara yaaban tahay inuu noqday kabtanka AC Milan.

Dambeedkan ayaa fasalkii tegey si shaac ah ula murmay macallinka Bianconeri, kaddib markii laga tuuray kooxdii Champions League wareeggiisa 16-ka ku wajahaysay FC Porto.

b2

Bonucci ayaa deeto xagaagii si lama filaan ah ugu biiray kooxda AC Milan oo ku qaadatay €42m oo euro, balse xaaskiisa ayaa sheegaysa in uusan jirin dhibaato ay macallinka isku qabeen.

“Go’aankiisu kuma imanin muran dhexmaray isaga iyo Max Allegri,” ayyay Martina Maccari u sheegtay Rai Radio 1.

“Marka xirfadlenimo ahaan la eego waxay ila tahay inay muhim tahay in la helo miisaan, Leonardo wuxuu doortay inuu tago maxaa yeelay waxaa is bedeley jawigii, balse haatan wuu deggan yahay oo ku faraxsan yahay tacaburkiisa cusub.” ayuu raaciyay.

“Bonucci oo Milan kabtan u ah? Ma qarinayo, lama qabsanin, lagana yaabee inuu laftiisu sidaa yahay, wuxuu doortay Milan aniguna waa inaan ixtiraamaa ka xaas wanaagsan ahaan.” ayay tiri.

“Ugu yaraan ma jiri doono derby dhanka qoyska ah hadda kaddib, wiilkayga Lorenzo oo 5 jir ihi waa taageere wayn oo Torino iyo Andrea Belotti ah. Mararka qaar Leonardo iyo Andrea waxay ku kulmaan bartamaha Torino.” ayay xaqiijisay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close