“Kulanka Tottenham ayaa nooga adag kan Arsenal” – Tiemoue Bakayoko

(London) 17 Seb 2017 Laacibka ku cusub kooxa Chelsea ee Tiemoue Bakayoko ayaa dhulka la galay Arsenal oo ay la ciyaarayaan galabta.

Tiemoue Bakayoko ayaa sheegay in kulanka Tottenham uu uga adagyahay midka ay la ciyaarayaan Arsenal.

Wuxuuna sheegay in Tottenham ay ka soo adkaadeen sidaas darteed Arsenal aysan waxba la ahayn kooxda Blues.

“Kulanka Tottenham ayaa ka adag kan Arsenal, horay ayaan ula soo ciyaarnay Tottenham guul ayaanan ka soo gaarnay, sidaas darteed kulanka Arsenal ma ahan mid aad u adag” ayuu yiri Tiemoue Bakayoko.

“Waan ogahay in arinku uu yahay mid ka gadisan sidaas marka loo eego dhanka taageerayaasha iyo tartanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada kooxood”.

“Laakiin maadama aan nahay ciyaartoy muhiimadeena waa inaan guulaysano kulan walba iyo in aanaan lumin wax dhibco ah anaga oo aan fiirinayn kooxda aan la ciyaarayno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close