Kooxda AC Milan oo samaysay arrin ay ugu dambaysay 10 sano kahor!

(Milano) 17 Sebt 2017 – Kooxda AC Milan ayaa galabta 2-1 uga badisay kooxda Udinese oo ay kula ciyaartay magaalada Milano, waana markii ugu horreeysay ee ay kooxda Vincenzo Montella 9 dhibcood yeelato 4 kulan kaddib tan iyo fasal-ciyaareedkii 2006-07 oo ay Rossoneri 10 dhibcood Serie A ku lahayd kaddib afarta kulan ee horyaalka ugu horreeya.

Milan ayaa waxaa labaaleey u dhaliyay Nikola Kalinic oo xitaa gool 3-aad laga diidey, iyadoo aysan sidoo kale Rossoneri ka badinin kooxda Friuliani labadii fasal ee ugu dambeeyay ee ay Milano ku ciyaaraan oo uu midkii ugu dambeeyay guuldarro ahaa, halka ay barbarro ku kala bexeen 2015-2016.

b10

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close