“Aniga iyo reerkeygaba waan rabnay Barcelona.”. Coutinho oo ugu dambeyn hadlay

cooo 

(Europe) 17 Sebt 2017. Philippe Coutinho ayaa ugu dambeyn hadlay isagoona xaqiijiyay inuu xiiseynayay inuu ku biiro Barcelona intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xiddiga reer Brazil ayaa halka sare ugu jiray Liiska Barcelona ay ku dooneysay inay ku buuxiso booska Neymar balse dalab kasta oo ay soo gudbisay waxaa uga dhaartay kooxda Liverpool oo diiday inay iibiso laacibka.

Coutinho ayaa ugu dambeyn hadlay kaddib ciyaartii shalay ay 1-1 la galeen kooxda Burnley isagoona qiray in isaga iyo reerkiisaba ay xiisaynayeen inay u dhaqaaqaan Spain.

Philippe Coutinho FINALLY breaks silence over failed Barcelona transfer

“Waan xiiseynayay dalabka balse iminka waxaan diiradda saarayaan sidii aan xilli ciyaareed fiican ula qadan lahaa Liverpool iyo xulka qaranka,” Coutinho ayaa sidaa u sheegay ESPN Brasil.

“Waa sharaf inaad dalab ka hesho kooxdan Barcelona balse sidoo kale waa sharaf inaad u ciyaarto Liverpool, had iyo jeer waan tix galiyaa kooxda iyo Taageerayaasha.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close