Unia Emery oo si aqliyeeysan isku hortaagay in Julian Draxler uu ku biiro Barcelona bisha janaayo

Image result for Julian Draxler Barcelona

(Paris) 16 Seb 2017 Tababaraha kooxda PSG ee Unia Emery ayaa si aqliyeeysan isku hortaagay in Barcelona ay la wareegto Julian Draxler bisha janaayo.

Barcelona ayaa ku guul daraysatay dhamaystirka saxiixa ciyaartoy uu kamid yahay Julian Draxler suuqii soo xirmay ee xaggaaga.

Emery Neymar

Kooxda ayaana la filayay inay u dhaqaaqi doonto soo xerogalinta laacibka reer Jarmal suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Laakiin tababare Unia Emery ayaa ciyaarsiiyay Julian Draxler isbuucii hore kulankii Celtic ee Champions League taas oo ka dhigan inuusan u ciyaari karin koobkaas kooxda Barcelona haddii uu ku biiro bisha janaayo sida ay baahisay Express.

Mana loo badinayo in Barcelona ay isku daydo saxiixa Julian Draxler madama laacibku uusan u ciyaari karin kooxda koobka horyaalada yurub oo muhiim u ah.

Julian Draxler ayaan ku faraxsanayn kooxdiisa, wuxuuna keyd ka noqday kooxda kadib markii uu yimid Neymar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close