EPL: Man City oo ku durdurisay Watford + SAWIRRO

(Manchester) 16 Seb 2017 Man City ayaa guul wayn ka gaartay kooxda Watford oo ay marti u ahaayeen, waxayna ugu awood sheegteen goolal dhan 6-0.

27 daqiiqo Aguero ayaa hogaanka u dhiibay kooxda City kadib kubadd uu ka helay De Bruyne wuxuuna ka dhigay 1-0.

31 daqiiqo isla Aguero ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib baas fiican oo uu ka helay Silva, wuxuuna ka dhigay 2-0.

37 daqiiqo Jesus ayaa sii quusiyay Watford kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Aguero, wuxuuna ka dhigay natiijada 3-0, sidaas ayaana lagu kala nastay qaybtii hore.

Man City ayaa halkeeda goolasha ka sii waday markii la soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta.

63 daqiiqo Otamendi ayaa shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Silva, wuxuunaka dhigay ciyaarta 4-0.

Aguero ayaa hurdo u diray ciyaarta kadib markii uu si farsamaysan u dhex dhigay shabaqa kubadd uu ka helay Walker daqiiqadii 81-aad, wuxuuna ka dhigay 5-0.

Dhamaadkii ciyaarta Sterling ayaa gool u badalay qalad lagu galay isla isaga, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 6-0.

Ciyaarta ayaana sidaas ku soo idlaatay, natiijadaan ayaa ka dhigaysa Man City inay hogaanka ku hayso 3-dhibic oo nadiif ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close