EPL: Burnley oo Barbaro ku celisay Liverpool +SAWIRRO

(Liverpool) 16 Seb 2017 Kooxda Burnley ayaa barbaro ku celisay Liverpool oo ay marti ugu ahaayeen Anfield, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah.

Burnley ayaa kulan adag kala hortagtay Liverpool, waxayna ciyaarta ku soo galeen dardar buuxda.

27 daqiiqo Scott Arfield ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Burnley kadib shuud xoogan oo uu ku riday goolka, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-0.

30 daqiiqo Mohamed Salah ayaa u soo barbareeyay Liverpool kadib kubadd uu ka helay Emre Can, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii dambe, labada kooxood ayaa isku dayay inay goolal dhaliyaan, laakiin waxay iska khasaariyeen fursado badan.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close